TermsAndConditions

Home » Business » My Account » TermsAndConditions

SHURUDAHA ISTICMAALKA ADEEGAN DATA

 (Terms and Conditions of the Service)

Heshiiskaan waxaa kucad Shuruudaha aqbalaada isticmaalka Adeegga data internet. Sidaa aawgeed haddii aad aqbashid Heshiiskaan waxaad aqbashay waajibaadka ka dhalanayo shuruudaha iibsiga iyo isticmaalka Adeega data internet.

Art.1. HABRAACA GADASHADA.

a.      Fadlan aqri shuruudaha heshiiska adeegga data internet kahor inta aadan aqbalin ama aadan gujin (HAA)..

b.      Haddii aad qanacday, dalbatayna fadlan daabaco warqadda wax kala-gadashada(Invoice), Kadibna laxariir xafiiska kuugu dhow ee Hormuud Telecom.

c.      Xafiiska E-commerce ee Hormuud Telecom ayaa sida ugu haboon kugu soo gaarsiin doono dalabka adeegaada evoucher-ka.

d.     Haddii cilladi ku qabsato, fadlan laxariir xafiiska kuugu dhow ee Hormuud Telecom ama wac 141-101

Art.2. IS-DIIWAAN GALINTA MACMIILKA.

Is-diiwaan galintu waa lacag la’aan marka aad buxineysid form-ka iibka, balse haddii ay dhacdo in qofkale uu isticmaalo xisaabtaada(your Account), Shirkadda Hormuud masuul kama ahan wixii ka yimaada.

Art. 3. HABKA LACAG-BIXINTA.

a.      Sida kucad qoraalkan Lacagta Heshiiska waxaa lagu bixin karaa qaababka soo socdo: Evc plus, Credit card, Waxaana laga jari doona xisaabta account- kaga marka uu dhaqan galo heshiiskan

b.     Qiimaha asalka ah ee data internet waa $....., ugu badnaan halkii mar waxaad iibsan kartaa $300 kuma raacayo qiimaha geynta. 

c.      Qaansheegadka macmiilka waxaa loogu dirayaa Email-ka uu ku buuxiyey form-ka heshiiska,

d.     data internet-ka uu iibsaday macmiilka waxey soo gaari doontaa kadib markuu aqbalo heshiiska wax kala gadashada uuna gujiyo amarka (HAA).

Art. 4. LACAG CELINTA

a.      Fiiro gaar ah lacag-celin iyo bedel agab ma jirto.

Art. 5. MAS’UULIYADDA

a)    Shirkadda Hormuud kuuma damaanad qadeyso wixii qalad xagaaga ka yimaado, Masuulna kama aha wixii cilad ah ee soo baxaa kadib markuu macaamilka lawareego data internet-ka.

b)    Haddii uu ku qaldo xawilaad data internet-ka ah user uusan ku talagalin macmiilka, wey usoo celineysaa Shirkadda waxeyna ugu shubeysaa user-kii uu urabay marka laga reebo:

1.     haddii aysan ka gudbin gacanta koowaad ay ku dhacday data laqalday. 

2.     ama dhaqdhaqaaq hore uusan ka dhexeyn diraha iyo loodiraha    

c)     Shirkadda mas’uul kama ahan data waqtigeeda uu dhacay sababtuna ay tahay macmiilka oo aanan ka faa’deysan waqtigii loogu tala galay

d)   Haddii data kadhacdo macmiilka cillad ka timid Shirkadda xageeda waxaa waajib ku ah in ay u cusboneysiiso data.

e)    Macaamiilku waa in uu iska hubiyaa data internet-ka uu iibsaday ka hor inta uusan lawareegin.

f)      Shirkadda waxay ilaalineynaa xogta gaar ah ee macmiilka.

 

 

Art. 6. XUQUUQDA SHIRKADDA HORMUUD

Hormuud waxey xaq u leedahay in ay kajoojiso adeega qofkii ku kaca falalka soo socda:

a.      Isku-day fal-dambiyeed oo loo adeegsado teknolojiyadda si loo xado Adeegyada shirkadda.

b.     Bixin xog-qaldan oo khuseeysa macaamilka buuxinaya form-ka heshiiska gadashada agabka sida:

1.     In macaamiilku uu sheegto magac been abuur ah (uusan lahayn)

2.     In macmiilka uu form-ka ku buuxiyo aqoonsi qaldan uusan lahayn.

3.     Inuu adeegsado Virus i.w.m. si uu u khalkhal galiyo habsami usocodka adeegyada shirkadda.

Art. 7. DHAQAN-GALKA HESHIISKA.

Dhaqan-galka heshiiska wuxuu ka bilaabana marka aad aqbasho heshiiska kala- gadashada adeegga data internet kadibna aad gujiso (HAA).

Art.8. GANAAXA KADHALANAYA BURINTA HESHIISKA


Macmiil kasta ee nooga iibsado alaab E-commerce lagana qaado alaabtaasi dhaqdhaqaaq iib (transaction) loona xayiray maciilka  heshiiska galay kadib aqbalaadiisa, haddii uu kalaabto iibka alaabta loo xayiray waxaa laga jarayaa lacagta uu bixiyey boqolkiiba labaatan cent (0.20% cent) oo ganaax ah.

Art. 9. WEYNTA MACMIILKA

Haddii uu dhinto ama lawaayo macmiilka asagoon lawareegin agabka uu gatay, buuxiyeyna shuurudaha heshiiska waxaa lagu wareejindoonaa agabkaasi qofka labaad uu form-ka ku buuxiyey in laga helaayo macmiilka.

Art. 10. LUQADA ASALKA U AH HESHIISKAN

Fahamka erayada iyo qodobbada heshiiskan waxa loola noqonayaa Luqadda afka soomaaliga.

Art. 11. XALLINTA KHILAAFAADKA

Heshiis ka-bixidda, erey bixinta qodobada heshiiska iyo dooddii ka timaado heshiiska labada dhinac intaba waxaa loola laabanayaa xeerka madaniga Somaliyeed iyo shareecada islaamka.

a)    Is faham iyo wada hadal.

b)    Xeerka lagu maamulo Shirkadda.

c)     Shareecada Islaamka.

d)   Xeerka Madaniga Soomaaliyeed

F.G: anigoo xis qaba cid iqasabtayna aysan jirin waxaan aqbalay shuruudaha heshiiska ee kor ku xusan, diyaarna waxaan u ahay inaan     dhaqan galiyo.